Hadii aad isku aragto calaamadahaan waxaa yar biyo cabistaada
Haddii calooshaadu fadhiso waxba haku daalin daawoonka caloosha jilciya sababta oo ah biyo cabistaadu marka ay yar tahay waxaa adkaada saxaradaada sidaas darteed cab biyo badan si ay calooshaadu u noqoto mid jilicsan.
2:Baahi badan
Baahida badan waa callmad muujineysa in biyo cabistaadu yar tahay, Ogow mararka qqar marka aad baahato uma baahnid cunto ee waxxaad u baahan tahay biyo inaad cabto sababta oo ah baahidu waxay cadeyneysaa in jirkaagu aysan helin biyo ku filan.
3:Kaadi yari
Inta badan dadka biyo cabistoodu yar tahay waxaa yar kaadidooda.
Tusaale ahaan waxaad arkeysaa qof aad biyaha u caba haddane aan suuliga gelin,sababta oo ah jirkiisa ayaa weli ooman, sidaas darteed cab biyo badan si jirkaaguu dhaqmo keliyahaaguna u noqdaan kuwo nadiif ah, dhiigaaguna qashinka ugu baxo.
4:Madax xanuunka
Madax xanuuku waa astaan muujineysa in jirkaagu u baahan yahaycabista biyo badan,cabista biyaha badan waxey masqaxda ka dhigtaa mid degan, sababta oo ahmarka biyo aad cabto qulqulka dhiiga masqaxda yaa si wanaagsan u shaqeyneya.
5:Afka oo ura ama qaleyl noqda
Af urka ama afka oo qaleyl noqda waa astaan kale oo muujineysa in ay biyo cabistu yar tahay sabata oo ahmarka ay biyo cabistaadu yar tahay qanjirada dhuunta waxay soo daayaan dhecaano xad dhaaf ah oo sabab u noqda inuu afkaaga uro.
6:Daal badan iyo murqo xanuun
markata oo daal ku qabto ama aad isku aragto murqo xanuun uma baahnid kaniini xanuun baab'eye ah ee waxaa u baahan tahay cabista biyo badan sabadta oo ah marka xidadada dhiiga aysan helin biyo ku filan waxaa jirku bilaabeyaa cabasho oo ah daal inuu dareemo si looga jawaabo cabashadaas waa inuu cbo biyo badan.
7:Maqaarka oo qalalan
Waxba haku daalin kareemada jirka gadidooda haddii biyo cabistaadu yar tahay sababta oo ah maqaarka wax yaabaha quudiya ma ahaan kareemka oo keliye waxaa ugu horeeya cabista biyaha si jirku u noqdo mid maqaar ahaan qurux badan cab biyo badan.
8:faruuryo qaleylka
Biyo cabis la'aanta waxay xitaa saameysaa faruur yaha ama bishimaha qofka,sababta oo ahdadka aan aadka u cabin biyaha waxaa ay qolof ka kacdaa bishimahooda,waxay mar welba nabro ugu soo bahaan afkooda sida bishimaha iyo carabka, sidaas darteed cab biyo badan si bishimahaaga u noqdaan kuwo soo jiidasho leh oo farxad laga dheehan karo.
9:Keliya xanuun
Haddii aad mar welba ku xanuunaan keliyaha waa calaamad muujineysa in biyo cabistaadu hooseyso,sababta oo ah keliyaha waxaa dhaqa biyaha, sidaa daraadeed cab biyo badan si ay keliyahaagu u noqdaan kuwo bed qaba.
Talo
Si aad jirkaaga u dgowrto isku xir oo cab ugu yaraan 8 illaa 10 koob oo biyo ah maalintii, gaar ahaan marka aad joogtid meelaha kulul ama sameyneysid jimicsi.
Gunaanad
Habka ugu fiican ee qofka biyaha u cabi karo ayaa ah in sallaad welba marka uu tukado ka dib cabo 1 galaas oo biyo ah taas oo ka dhigan in qofku cabey maalintii 5 illaa 6galaas oo biyo ah. Sallaada subax 2galaas biyo ah,Sallaadda duhur 2galaas biyo ah, Casirkii galaas biyo cab,Maqribkiina galaas biyo ah sidaas ayaa 6 galaas oo biyo ah ku cabtey .
Cabbida biyaha oo yaraata waxay saamayn toos ah ku leedahay hab-dhiska guud ee jirka, laga bilaabo maqaarka iyo wareegga dhiigga ilaa xubnaha gudaha. Biyo yaridu waxay keentaa calaamado degdeg ah sida harraad badan, madax xanuun badan, iyo kaadida oo madow noqota, kuwaas oo ah baaq uu jirku ku codsanayo in si dhoqso leh looga jawaabo.

0 Comments