Liin macaantu waxay leedahay faa'idooyn aan la soo koobi karin oo ka qeyb qaadaneya caafimaadka
Liin macaantu waxay leedahay faa'idooyin caafimaad badan waxaana ka mid ah sare u qaadidda dhiiga, illaalinta indhaha iyo hagaajinta aragga iyo sare u qaadida baahida galmada, ka hortaga calool fadhiisiga iyo hagaajinta nidaam difaaceedka jirka,hagaajinta niyada, kor u qaadidda caafimaadka ilkaha, hagaajinta muuqaalka maqaarka, ka hortaga koritaanka unugyada kansarka, kor u qaadida dgeefshiidka cuntada iyo ilaalinta wadnaha.
Liin macaantu waa khudrad caan ah oo meesha aad dunida ka joogto waad ka heleysaa umana baahna aqoonsi gooni ah waayo waxey ka mid tahay khudaarta maalin kasta dunida oo dhan laga cuno.
Xaqiiqdii waa midda ugu caansan noocyada liinta ee ka tirsan guruubka liinta oo loo yaqaano citrus, sidaa daraadeed liin macaantu waxaa uu Alle ku maneystey dhadhan wanaagsan waxayne kor u qaadaa caafimaadka qofka bini'aadimka ah.
Qiima nafaqeedka ee liin macaanta 100kii gram:
alories-46.9
FibeCr-2.38
Total carbonhydrate-11.74
Potassium-167.95
Vitamin A-7.5
Vitamin C-89
Iron-1%
Calcium-4%
Faa'idooyinka laga helo liin macaanta.
1: Waxay ilaalisaa indhaha waxayne hagaajisaa aragtida.
Cunista cuntooyinka vitamin c hodanka ku ah waxay gacan ka geystaan caafimaadka indhaha, sidaa darteed liin macaantu waa il muhiim ah oo laga helo vitamin ka caanka ah ee C waxayna indhaha ka ilaalisaa nabaad guurka.
2:Waxay la dagaalantaa calool fadhiga.
Calool fadhigu inta badan wuxuu yimaadaa marka ay dhibaato ku dhacdo gudbinta saxarada oo ah saxarada oo adkaata,sidaa daraadeed liin macaantu haddiiaad cunisteeda joogteyso waxay ka hortag wanaagsan u noqoneysaa inaad yeelato calool fadhi.
3:Waxay cobcisaa baahida galmada.
Liin macaantu waxaa laga helaa faa'idooyin caafimaad oo kaa caawineya xoojinta galmada labka iyo dhediga, markii si joogto ah loo isticmaalo isticmaalo waxay kaa xalineysaa dhibaatooyinka galmada ee hoos u dhaca ah kuwaas oo saameeya mustaqbalkaaga ama noloshaada, waxay kale ka qeyb qaadataa sii wadidda galmada.
4:waxay hagaajisaa niyadda.
Liin macaantu waxay qofka cuna ka caawisaa ko u qaadidda niyadda iyo yareynta niyadjabka ama wel welka,sido kale cunitaanka liintu wuxuu kuu horseedeyaa deganaasho,sidaa daraadeed liin macaantu waxaa taariikh ahaan loo isticmaali jirey ddawynta walbahaarka.
5:Waxay xoojisaa difaaca jirka.
Liin macaantu waxaa ku jira vitamiino, waxaana ognahay in vitamiinada ku jira ay sare u qaadaan difaaca jirka waxayne liin macaantu gacan ka geysataa howlaha difaaca jirka ee u baahan ee isla markaana raba iney baabi'iyaan cudurada jirka.
6:Waxaykobcisaa caafimaadka ilkaha.
Dayac tirka ilkaha iyo ciradka waa iney lahaadaan mudnaanta koowaad marka laga hadleyo daryeelka afka, sidaa daraadeed liintu waxay gacan ka geysataa caafimaadka ciridka iyada oo la xoojinaayo xididdada dhiiga iyo ilkaha.
Gunaanad
Liin macaantu waa miro nafaqo badan leh oo caafimaadka jirka si weyn uga qayb qaata. Waxay hodan ku tahay fitamiino, macdano iyo maaddooyin difaac u ah jirka, kuwaas oo xoojiya difaaca, hagaajiya caafimaadka maqaarka, taageera wadnaha, kana qayb qaata dheef-shiidka wanaagsan. Sidaa darteed, ku darista liin macaanta cuntada maalinlaha ah waxay noqon kartaa tallaabo fudud oo kor loogu qaadayo caafimaadka iyo bed-qabka guud ee qofka. Cunista liin macaan si joogto ah waxay ka mid tahay hababka dabiiciga ah ee lagu ilaashan karo nolol caafimaad leh.

0 Comments