Xaalado kala duwan uu keeni karo hoos u dhaca hormoonka testosteron-ka
Testosterone waa hormoon muhiim u ah caafimaadka ragga, waxaana laga soo saaraa xaniyaha iyo qeyb ahaan qanjirka 'adrenal' marka heerarka testosteron ay hooseeyaan waxay saameyn kartaa guud ahaan jirka iyo masqaxda.
1:Ragga qaba heerarka hooseeya ee testosteron-ka waxay inta badan ka sheegtaan daal badan oo joojto ah.Tani waxay saameyn ku yeelan kartaa howl maalmeedkooda, sababta oo ah daal aan dhamaad laheyn ayaa saaran xitaa haddii shaqo qaban xitaa.
2:Mid ka mid ah saameynta ugu caansan hoos u dhaca testosteron-ka waa yaraanta xiisaha galmada ninku u haayo, haddii aad aragto adiga oo ka caajisaye galmada ama dareenkii xiisaxa lahaa ee aad u haysey galmada kugu sii yaraaneya waxa kugu yar hormoonka testosterone.
3: Testosterone oo hooseeya waxay sido kale saameyn kartaa niyadda. Ragga qaar waxay la kulmaan niyad-jab,walwal fara badan iyo dareen yari iney yihiin kuwo aan qiimo lahayn.Ragga inta badan stress-ka waxaa ugu badan ee u keena waa hoos u dhaca ku yimaada hormoonka testosterone.
4:Testosterone-ku waxay kaalin muhiim ah ka ciyaaraa dhismaha murqaha iyo ilaalinta miisaanka. marka heerarka testosterone aad u hooseeyo waxaa dabceya murqaha,jir ahaan qof jilacsan ayaa noqoneyaa waxay mar kasta sifudud u siyaada miisaaankaaga.
5:Hoos u dhaca testosterone-ka waxay keeni kartaa dhibaatooyin la xiriira kacsi la'aanka iyo awood la'aanta hiliga galmada,sida inaa xoog ku kiciso xubintaada halkii markii hore si fudud u kici jirtey iyo in xubinta marka ay kacdo si dhaqso leh u danto ka dibna kugu adkaato iney mar kale kacdo.
6:Testosterone-ku sido kale waxay saameyn ku leeyahay shaqooyinka masqaxda sida xasuusaha iyo attetion-ka.Testosterone ka oo hoos u dhaca wuxuu keeni karaa in xasuustaadu yaraato sido kale inaad noqoto qof attetionkiisa soo jeedin oo jir ahaan joogo laakin maskax ahan aan joogin.
7:Testosterone-ku wuxuu ka qeyb qaataa caafimaadka lafaha, heerarka hoose ee testosterone-ku Wuxuu lafaha ka dhigaa kuwo jilcan oo u fudud inuu qofku jabo,sido kale wuxuu keeni karaa isbadelo maqaarka ah sida maqaan finan joogto ah leh, qaleyl jirka ah iyo dhidid aad u badan.
Waa muhiin in la ogaado xaalado kala oo intaan ka baxsan testosterone ay keeni karaan astaamahan, waxayne sido kale ku xiran yihiin arimo kale sida caafimaadka guud iyo qaab noolaleedka qofka.
Gunaanad
Haddii aad iskaga shakido testosterone-kaagu inuu hooseeyo waa inaad la tashataa dhakhtar si loo qiimeeyo xaaladada loona helo daaweyn kugu haboon.
NB: Haddii aad daneyneyso arimaha caafimaadka la xiriira halkaan isha ku haay.

0 Comments