Alle addoonkiisa waxa uu ku leeyahay amar uu amro, xukun uu xukumo iyo nimco uu u nimceeyo, saddexdan uun buu u dhexeeyaa.
Wuxuuna ku leeyahay addoonnimo dhammaan heerarkan oo dhan, dadka Alle waxa uu ugu jecel yahay ka garta addoonnimada heerarkan oo xaqeeda guta, kaas ayaa Alle ugu dhow, waxaana ugu fog ka addoonnimada garan waaya, ee seega cilmi iyo camalba.
→ Addoonnimada amarka: waa in loogu hoggaansamo ikhlaas, laguna daydo Rasuulka Ilaahay, laga dheeraado waxa uu reebay ka baqasho, weyneyn iyo jacayl dartood.
→ Addoonnimada qadaha masiibooyinka: waa in lagu samro, dabadeed lagu raalli noqdo, ka dibna lagu mahadnaqo, waana halka ugu sarraysa raalli ahaanshaha.
→ Addoonnimada nimcooyinka: waa in la garto, lana qiro marka hore, dabadeedna Alle laga magan galo in cid kale loo tiiriyo, ka dibna uu ku ammaano. Ka mahadnaqa nimcooyinka waa in loo adeegsado addeecista Alle.

