Waxaa jira qof doonaya inuu adiga noqdo😗
Waxaa laga yaabaa inaadan taas ogayn, laakiin waa xaqiiqo aadan waligaa ka fikirin.
Waqtigan xaadirka ah waxaa jira qof doonaya inuu noqdo adiga, oo joogo meesha aad joogto.
Waxaa jira qof arka waxaad haysato isagoo aan isagu haysan, kuna riyoonaaya nolosha aad ku nooshahay, habeen iyo maalin u dadaalaya inuu gaaro .
Waxaad haysataa waxyaabo badan oo ay dad badani haysan. Waxaa laga yaabaa inaadan garanayn, laakiin waxaad haysataa nimcooyin iyo riq ay kumannaan qof ku taamayaan .
Markaad habeenkii si deggan u seexato, waxaa jira qof xanuun haya oo hurdadu ka maqan tahay, gacmihiisana kor u taagaya isagoo Alle ka baryaya caafimaad iyo nasasho .
Markaad si caadi ah u socoto, waxaa jira qof aan awoodin inuu istaago ama socdo, oo jeclaan lahaa inuu hal maalin oo kaliya ku noolaado caafimaadka iyo awoodda aad haysato .
Waxaa jira qof aan carruur lahayn oo carruur ku taamaya, qof aan lammaane lahayn oo doonaya qoys, qof aan qurux lahayn, qof aan caqli iyo faham lahayn, iyo kuwo kale oo badan oo aan haysan waxa aad adigu haysato.
Sidaas darteed, xusuusnow in nimcooyinka Alle ku siiyey ay yihiin kuwo qaali ah.u Mahadnaq Rabbigaaga, hana ku mashquulin oo kaliya waxa kaa maqan, ee fiiri waxa aad haysato.
Qanaacadu waa furaha farxadda, shukrintuna waa sababta nimcada ku sii waarayso .

