LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Bilowgii abuurka.

•Markii hore waxaa jiray allah oo kaliya cid ka horeysana malahan.


Sheygi ugu horeyay uu allah abuuro wuxu ahaa:

1:Carshigiisa

2:Biyaha 

3:Qalinka 

Wuxuu dhahay qalinki qor wuu argagaxy wuxuuna ku dhahay maxaa qora 

wixii dhici doona iyo wax walba 50k oo sano ka hor 

Wuuna qoray 

Kadib ayuu bilaabay inuu abuuro dhulka iyo samooyinka 

Wuxuuna ka abuuray  labadaba biyaha

Wuxuuna ku abuuray 

2maalmood 

Markii hore dhulka iyo samada way isku dhganaayen wuu kala fujiyay wuxuuna u dhaxaysiiyay hawada 

(أَوَلَمْ يَرَ الَّذِينَ كَفَرُوا أَنَّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ كَانَتَا رَتْقًا فَفَتَقْنَاهُمَا)

Alle abuuristii ayuu waday 

Ilaa uu abuuray aadam oo aan anaga kasoo wada farcanay ama kasoo jeedno

Nabi aadam:

Saacadii u danbeysay maalin jimca ah ayaa Allah subxaanahu watacaala wuxuu amray malagul mowt 

In uu u dago dhulka oo uu kasoo qaado cantoobo ciid ah ciidaas waxay isugu jirtay ciid madow ciid cas ciid xun ciid fiican ciid jilicsan iyo ciid adag

Kadibna allah subxaanahu watacaala wuxuu amray malagul mowt inuu ciidaas dhigo meel u dhaxaysa janada iyo sidratul muntaha 

Kadib allah subxaanahu watacaala wuxuu amray in ciidaas lagu qaso biyo wuxuu ka dhigay dhoobo 

Biyahaas allah subxaanahu watacaala uu ciidaas ku qasay ma ahayn biyaheena oo kale waxay ahaayeen biyahii allah subxaanahu watacaala uu ka abuuray wax walba 

Biyahii uu ka abuuray samada iyo dhulka..

Post a Comment

0 Comments