Sidee loo dhisaa shaqsiyadaada?
Personal Branding (Dhisidda Sumcaddaada Shaqsiga ah]
Aan intaan Cod dheer kugu sheego saaxiib intaanan guda galin sharaxaadda!, meelna ku qoro wayku anficine!.
Personal branding ku waa awoodda aad ku kasbanayso kalsoonida dadka, ka hor inta aysan lacagtooda, waqtigooda, ama fursadahooda kugu aaminin, Jiilkan cusub, sumcad wanaagsan ma aha wax lagu faano oo keliya; waa hanti ganacsi, hanti shaqo, iyo hanti nololeed, Qofka sumcad adag leh wuxuu marar badan ka hormaraa qofka xirfad ahaan ka xoog badan laakiin aan la aqoon ama aan lagu kalsoonayn.
Personal Branding ku waa sida ay dadka kuu arkaan marka magacaaga la maqlo, Marka aadan goobta joogin, Waa sawirka maskaxdooda ka samaysma ee ku saabsan qofka aad tahay, waxa aad taqaan, iyo sida aad ula dhaqanto dadka.
Qarnigan cusub ee howlihiisa wata dunidu waxay si tartiib , tartiib ah uga guureysaa nidaamkii ahaa “yaa shahaadada ugu badan leh?” una guureysaa nidaam ah “yaa lagu kalsoonaan karaa?”.
Lama diidana aqoonta, Xirfadda aad leedahay in ay Ku siin karto shaqada ugu horreysa, laakiin sumcaddu waxay kuu keentaa shaqooyinka, macaamiisha, iyo fursadaha ku xiga, waxayna kugu haysaa goobta aad markaas joogto, ganacsi aad leedahay, maamul aad tahay ama shaqaalaba!, xubin muhiim ah oo lalumin karayn ayay kaa yeeshaa!.
Sida caadiga marka caalamka lacag, mashruuc, ama fursad weyn miiska saaran tahay, dadka badankood waxay dooranayaan qofka ay ku kalsoon yihiin, aqoontaasna leh haba looga sareeyee, Sababta ayaa ah in kalsoonidu ay yareyso khatarta.
Dadka guuleysta badankood waxay fahmeen hal xaqiiqo oo dhahaysa dadku ma iibsadaan adeeggaaga oo keliya, waxay iibsadaan kalsoonida ay kugu qabaan oo watii oraahdii waynayd lahayd (ur reputation enters the room before u do.” ) Sumcaddaadu waxay qolka gashaa ka hor inta aadan adigu gelin, soow cajiib maahan!.
Personal brand-kaaga waxaa dhisa waxyaabo yaryar oo maalin kasta aad sameyso sida aad ballanta u ilaaliso, dadka ula hadasho, uga jawaabto dhibaatooyinka, uga muuqato internet-ka waxyaabaha aad soo gudbiso iyo Sida aad Shaqadaa u qabato marka aan cidina ku arkeyn.
Eeg hadde! Ganacsade, dhakhtar, injineer, ama qof shaqo raadinaya ha noqoto, haddii magacaaga lala xiriiriyo Xirfad,Daacadnimo,Mas’uuliyad, Iyo xal-bixin,markaas magacaaga laftiisa wuxuu noqdaa hanti dhaqaale oo wax kastaahiba waa la goyn karaaye waliba aysan cidna goyn karayn kugulana tartami karahayn!.
Siina ogoow Marka aad dhisto sumcaddaada qofeed Waxaa imaan doonta maalin aan dadku ku aqoon, laakiin ay ku aaminaan sababta oo ah sumcaddaadii ayaa kaaga hor martay.!., waana halkaas meesha laysku Aan intaan Cod dheer kugu sheego saaxiib intaanan guda galin sharaxaadda!, meelna ku qoro wayku anficine!.
Personal branding ku waa awoodda aad ku kasbanayso kalsoonida dadka, ka hor inta aysan lacagtooda, waqtigooda, ama fursadahooda kugu aaminin, Jiilkan cusub, sumcad wanaagsan ma aha wax lagu faano oo keliya; waa hanti ganacsi, hanti shaqo, iyo hanti nololeed, Qofka sumcad adag leh wuxuu marar badan ka hormaraa qofka xirfad ahaan ka xoog badan laakiin aan la aqoon ama aan lagu kalsoonayn.
Personal Branding ku waa sida ay dadka kuu arkaan marka magacaaga la maqlo, Marka aadan goobta joogin, Waa sawirka maskaxdooda ka samaysma ee ku saabsan qofka aad tahay, waxa aad taqaan, iyo sida aad ula dhaqanto dadka.
Qarnigan cusub ee howlihiisa wata dunidu waxay si tartiib , tartiib ah uga guureysaa nidaamkii ahaa “yaa shahaadada ugu badan leh?” una guureysaa nidaam ah “yaa lagu kalsoonaan karaa?”.
Lama diidana aqoonta, Xirfadda aad leedahay in ay Ku siin karto shaqada ugu horreysa, laakiin sumcaddu waxay kuu keentaa shaqooyinka, macaamiisha, iyo fursadaha ku xiga, waxayna kugu haysaa goobta aad markaas joogto, ganacsi aad leedahay, maamul aad tahay ama shaqaalaba!, xubin muhiim ah oo lalumin karayn ayay kaa yeeshaa!.
Sida caadiga marka caalamka lacag, mashruuc, ama fursad weyn miiska saaran tahay, dadka badankood waxay dooranayaan qofka ay ku kalsoon yihiin, aqoontaasna leh haba looga sareeyee, Sababta ayaa ah in kalsoonidu ay yareyso khatarta.
Dadka guuleysta badankood waxay fahmeen hal xaqiiqo oo dhahaysa dadku ma iibsadaan adeeggaaga oo keliya, waxay iibsadaan kalsoonida ay kugu qabaan oo watii oraahdii waynayd lahayd (ur reputation enters the room before u do.” ) Sumcaddaadu waxay qolka gashaa ka hor inta aadan adigu gelin, soow cajiib maahan!.
Personal brand-kaaga waxaa dhisa waxyaabo yaryar oo maalin kasta aad sameyso sida aad ballanta u ilaaliso, dadka ula hadasho, uga jawaabto dhibaatooyinka, uga muuqato internet-ka waxyaabaha aad soo gudbiso iyo Sida aad Shaqadaa u qabato marka aan cidina ku arkeyn.
Eeg hadde! Ganacsade, dhakhtar, injineer, ama qof shaqo raadinaya ha noqoto, haddii magacaaga lala xiriiriyo Xirfad,Daacadnimo,Mas’uuliyad, Iyo xal-bixin,markaas magacaaga laftiisa wuxuu noqdaa hanti dhaqaale oo wax kastaahiba waa la goyn karaaye waliba aysan cidna goyn karayn kugulana tartami karahayn!.
Siina ogoow Marka aad dhisto sumcaddaada qofeed Waxaa imaan doonta maalin aan dadku ku aqoon, laakiin ay ku aaminaan sababta oo ah sumcaddaadii ayaa kaaga hor martay.!., waana halkaas meesha laysk dhaafi doono, laykuna dhaafay!. WABILLAAHI TOWFIIQ.

Comments
Post a Comment