Siyaasadda soomaaliya.
Mushtamaca Somaliyeed meel kasta ha joogo e, in badan bay maqleen ama iskoodba u isticmaaleen erayga siyaasad, yagoo ka faaloonaya barnaamijka siyaasadda, dhaqaalaha ama arrimaha bulshadda ee Somalida gaar ahaan Somaliland iyo Somaliya. Haddaba, maqaalkeenan maanta waxaan si gun dheer oo faahfaahsan ugu lafa guri doonaa, macnaha iyo ujeedadda siyaasadda ee dadkeena reer Somaliland ay ku jahawareereen. Isla markaana dadka qaar magacyo iyo xilal mansabyo sare leh ay ku gaadheen.
Waa maxay siyaasad? Wallow erayga siyaasad ee ay dadkeenu had iyo goor ku isticmaalaan dhaqanka iyo nidaamka dawladnimaddu aanu marka horeba Somali ahayn, haddana macnaha siyaasad marka aynu ka hadleyno ma aha eray ama jumlad loo isticmaali karo nolosha caadiga ah ee bulshadda dhexdeeda ka jirta. Yadoo lagu meeweelanayo ama si madadaalo ah wakhtiga makhaayaddaha iyo goobaha bulshadu ay ku kulanto la joogo lagu lafaguro xaalad siyaasadeedka dawladnimo ama hab maamulka dhaqan-dhaqaale ee dal ka jira.
Wali waxaan araarteedii ku guda jiraa in aan su’aasha waxa ay tahay siyaasadi ka jawaabo, maadaama oo mawduucani yahay mawduuca ugu balaadhan ee taariikhda adduunka inta uu ibni-aadamku uumanaaba jiray. Maqaalkii Somaliga ahaa ee kan ka horeeyey waxaan ku iftiimiyey waxa ay dawladnimaddu tahay, oo aan ku macneeyey in ay dawladnimaddu tahay meesha dad meel ku wada nooli ay dhaqaalahooda, caqligooda, aqoontooda/garashadooda, maalkooda, farsamadooda/xirfadooda, xoogooda/awoodooda, iyo aragtidooda siyaasiga ah isugu geeyaan. Haddaba, haddii ay macnaha dawladi kan yahay maxay noqon kartaa siyaasadu?
Waxaan arkay dhalinyaro badan oo siyaasada jecel inay galaaan, jecel inay marwalba ka hadlaan, hadana aan fahamsanayn qaabkii ay bulshada ula wadaagi lahaayeen arimaha LA xidhiidha siyaasada ee ayka hadlayaan, ama si qaldan U fahamsan. (way jiraan dhalinyaro fahamsan si wacana bulshada ugu soo gudbiya).
Waxa lagu qiyaasaa dalalka horumaray sida Europe iyo North America gaar ahaan Maraykanka iyo Britain, in ay yihiin dalalka adduunyadda ugu nidaamka wanaagsan dhinaca xoriyadda aadanaha iyo dhismaha dhaqaalaha. Waxa aynu ka wada dheregsanahay in Qaaradaha Africa, Koonfurta America iyo Asia, badidooda dadku ay ka yacaan oo ay ka tacabiraan yagoo raadinaya nolol wanaagsan oo dhaqaale ama mid xoriyadeed. Tusaale ahaan Africa badi dadku waxa ay uga cararaaan dhanka nolosha iyo shaqadda oo aad u hoosaysa, amabase dhinaca abniga iyo nabad ku wada joogid la’aanta dadyawga dal iyo dhul ku wada nool. Halka aad ka arkeyso wadamo badan oo carbeed, koonfurta America, Asia ama Ruushka in dadku ay badi iska ladan yihiin oo xaaladda nolaleed ee dhinacyadda xoriyadda iyo xaquuq la’aanta ka jirta meelaha ay ku noolyihiin u saamixi waydo in ay sii joogaan.
Haddaba, inagoo u guuda-galeyna su’aasheena waa maxay siyaasadu? Anigoo si kooban uga jawaabaya siyaasaddu waa cilmiga kaliya, isla markaana ugu wayn ee ay dawladdi ku maamusho dadka iyo dalka ay masuulka ka tahay. Yadoo u cadaalad sameyneysa dadkeeda, isla markaana dhisaysa dhaqaalaha dalka si nolosha dadku u wanaagsanaato. Waxa kale oo siyaasadda lagu dhisaa amniga iyo xasiloonida guud ahaan dadka muwaadiniinta ah. Isla markaana waxa si hufan loo dajiyaa khariirada ah sida dadyawga kale ee adduunka ha noqdaan kuwa jaarka ama caalamka intiisa kale sidii si nabad ah loogu wada noolaan lahaa, adduunyaddana looga wada shaqeyn lahaa. Waxa kale oo siyaasad lagu dajiyaa sidii qadiyadda ummadda iyo masiirkooda nololeed loo ilaalin lahaa, yadoo la dhisayo ciidan nabad-gelyo oo dadka kala ilaaliya, si ay ugu kala nabad galaan. Yadoo la weynaynayo shuruucda dalka u taala gaar ahaan maxkamaddaha.
Sidaas daraadeed siyaasadu maaha Khiyaamo, maaha ficiltan, maaha hadal iyo waan hadlayaa uun, maaha wax xun, waa wax wanaagsan, waxna wanaajisa, qurxisa. Sidaas daraadeed siyaasada wanaagsan iyo siyaasiga wanaagsan ee siyaasada sidaa waxba MA xumeeyo waxbuu wanaajiyaa.

