Waxaa soo badaneya cudurka halista ah ee gowracatada lkn ma lagu buraarugsana, horta aan isla barano cudurka
Cause{waxaa sababa}.
waxaa keena badanaa bakteeriyada loo yaqaano corynebacterium diphtheria,bakterayada waxey soo deysaa sun waxyeeleneyso jirka.
Clinical features{calaamadaha}.
*Qandho
*Cunaha oo xanuuna
* xuub cadaan ah oo ku yaala cunaha neefsashada oo adkaada
*Qoorta oo bararta
* Daal iyo tabar daro
Riska factors{Arimaha halista kordhiya}.
* caruurta aan la tallaalin
* meelaha nadaafadeeda liidata
*Lanoolaashaha qof cudurka qaba
*Difaaca jirka oo hooseeya
Diognosis{ogaanshaha cudurka}.
* Baaritaanka bukaanka
*Qaadista muunad cunaha ah
*Shaybaar lagu xubiyo bakteriyada
Management of diphtheria (sida loo daaweeyo).
1:Isolation (karantiil).
Bukaanka waa in si deg deg ah loo karantiilaa si looga hortago inuu faafiyo cudurka.
2:Diphtheria antitoxin(daawada ugu muhiimsan).
Waxaa lasiiyaa isla markii looga shakiyo cudurka waxey joojineysaa sunta bateeriyda ee iyada ma baabi'ineso.
3:Antibiotics (qalajiyaha).
In la dilo bakteetriyada,lana yareeyo faafitaanka.
4:Airway management (Neefsashada).
Hadii xuubka cunaha uu xireyo marinka hawada: oxygen suction.
5:Subbortive care(taageero guud).
*Nasasho sariir ah
*Lasocod wadnaha ah
*Lasocod neerfaha ah
6:Management of contacts (dadka la xiriirey bukaanka).
*Baaritaan
*Antibiotic ka hortag ah
*talaal haddii aan la qaadan
7:Immunization after Recovery(inla tilaalo marka uu bogsado ka dib)
Qofka bogsada waa in la talaalaa si uu mar kale ugu badbaado.
8:Discharge Criteria
Bukaanku waa inuu dhameysteraa antibiotic,throat swab ka oo negative ah,calaamadaha oo ka reysto.
complications (dhibaatooyinka).
*Neef qabatin
*Wadnaha oo dhaawacma
*Neerfaha oo shaqadooda lumiya
*Geeri
Prevention (kahortag).
*Tallaalka caruurta
*Nadaafad joogto ah
*Ka fogganshaha qof cudurka qaba
*bulshada oo la wacyigeliyo
Gunaanad.
Diphtheria waa cudur halis ah balse tallaal ayaa naga badbaadin kara.
Haddaba badbaadi caruurtaadatallaal qaado.

0 Comments